Home Wararka Maanta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo fariin u diray dadka Soomaaliyeed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo fariin u diray dadka Soomaaliyeed

0

Xilli ay weli da’ayaan roobabka dayrta isla markaana dad badan ay wajahayaan dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha iyo dadaadka ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa uu ku tilmaamay xaaladda la soo deristay dadka Soomaaliyeed mid culus.

Qoraal uu bartiisa Faceboog ku daabacay xalay ayaa Farmaajo ku yiri:“Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan,”.

Madaxweynihii hore ayaa bulshada ku adkeyay in loo dheg raariciyo baaqayada ka imaanaya qaybaha dowladda,”Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dadkii inooga dhintay daadadka ku soo rogmaday gobollo badan oo ka tirsan dalka, waxaana adkeynayaa in loo hogaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah,” ayu uku yiri qoraalkiisa madaxweyne Farmaajo.

Ad
Previous articleDab Markale ka kacay Suuqa Xamar weyne oo Dhawaan Dad Badan ku Hanti Beeleen
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdo uu Hogaaminaayo oo Ka Dagay Dalka UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here