Home Wararka Maanta Sidee buu u dhacay shilkii uu ku dhintay Abshir Gaarane? Markuu dhimanaayay...

Sidee buu u dhacay shilkii uu ku dhintay Abshir Gaarane? Markuu dhimanaayay waa dul taagnaa”

0

Axadii shalay, ayaa koox dhallinyaro ah waxay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyaga oo gaaray magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe, si ay u soo dalxiisaan.

Balcad oo ah magaalo yar oo caan ku ah beeraheeda uu k baxo mooska ee khudradda kale ayaa noqotay meel ay doorbidaan dadka reer Muqdisho ee doonaya in ay arkaan muuqaalo ka duwan kan caasimadda, kadib markii sanado ka hor la dhameystiray wadada isku xirta iada iyo caasimadda.

Waqti kooban oo ilaa iyo soddon daqiiqo ah ayay qaadataa si loo gaaro Balcad marka laga tago Muqdisho.

Kooxda dhallinyarad ah oo mid ka mid ah uu noo sheegay in qiyaastii ay ahaayeen in ka badan labaatan ruux ayaa maalinkooda ku qaatay degmada Balcad, halkaas ayayna ka heleen casuumaad loo diyaariyay.

“Anigaa soo dhaweeyay oo gogosha u fidiyay” ayuu yiri gudoomiyaha waaxda dalxiiska ee degmada Balcaad, Cabdullaahi Shuuriye oo la hadlay BBCda.

Safarkaas ayaa waxay qayb ka ahaa Abshir Gaarane – fanaan da’yar oo caan ka ahaa baraha bulshada.

Hanad Cabdi oo ka mid ahaa dhallinyaradii safarka wax ka aaday ayaa BBC da u sheegay in Abshir uu u raacay kooxda dhallinyarada ah si uu u madadaaliyo inta ay dalxiiska ku jiraan.

Waqti fiican oo madadaalo leh ayuu sheegay in ay ku soo qaateen magaalada Balcad.

“Soo noqodkii ayaa musiibadu dhacday”
Markii ay u dhamaatay maalinkii damaashaadka lahaa, ayay isaga soo baxeen degmada Balcad kooxdii dhallinyarada ahayd, iyaga oo u soo jihaystay dhanka Muqdisho.

Todobo gaari ayay ahaayeen kolonyadii ay wateen dhallinyarada, waxaana gaariga shanaad ee kolonyada saarnaa Abshir Gaarane.

“Jiraadka caliyaale…wadada wayn waaye. Wado aad u halis ah waaye oo laamigu uu leexanaayo oo leexasho wayn uu galaayo waaye. Iyaga wadada aad uma aqoonin habeen ayayna ahayd, laamiga ayay ka dhex baxaeen,” ayuu yiri Cabdullaahi Shuuriye oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee goobta shilka yimid.

gaariga afaraad ee kolonyada waxaa la socday Hanad Abdi, waxa uu sheegay in markii uu arkay leexadka wadada uu gaarigii uu la socday waxyar hakaday, kadibna gaarigii ka dambeeyay ee uu saarnaa Abshir uu iyagii dhaafay isaga oo xawaare ku socda, taasina ay sababtay in uu xawli uga baxo gaarigu wadada.

“Wadadu ma laha iftiin oo ifinaya laamiyada, meelo lagu hakado malaha, biro kuma dhagsana”, ayuu hadalkiisa ku daray Cabdullaahi Abshir.

Abshir iyo qof kale oo ka mid ahaa dhallinyada ayaa galay qaybta hoose ee gaariga oo rogmaday, sida uu BBC da u sheegay Hanada, taas ayaana dhaawac badan gaarsiisay sida ay isaga la tahay.

Markii shilku dhacay ee labada qof ay ka soo bixiyeen gaariga hoostiisa, ma aysan garan karin in ay dhinteen labaa ruux, balse waxay geeyeen isbitaalka, halkaas ayay ku geeriyooday Abshir.

“Markuu dhimanaayay waa dul taagnaa. Asoo dhaawac ah ayaa la keenay oo dhaqaatiirta ay la tacaalaayaan,” ayuu yiri Cabdullaahi Shuuriye oo ka dib u xasuusanaya daqiiqadihii ugu dambeeyay noloshii Abshir.

Waxa uu sheegay in uu ku geeriyooday gudaha isbitaalka Kalkaal.

Intii uu la joogay isbitaalka, waxa uu sheegay in uusan arkin dhiig ka socda jirkiisa. Dhaqaatiirta ayuu sheegay in ay la wadaageen ehelkiisa in gudaha uu dhiig ku laabtay

Sidoo kale waxaa goobta ku dhaawacmay darawalkii waday gaariga oo jab ka soo garay adimadiisa qaar, halka gabar kalana uu dhaawac ka soo gaaray dhabarka.

Baraha bulshada ayaa waxaa aad ugu bahaay muuqaal uu Abshir iska duubay ka hor inta uusan aadin safarka balcad. Sababta uu aad ugu bahaay ayaa in uu la qaadayay heesta Safar baan u baxayaa ee uu qaado cabdiqaadir Sanka.

Dad badan ayaa u fasiray heesta uu la qaadayay ee safar in la micno tahay safar uu uga baxay dunida.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo loogu baaqay inaysan uga darin xiisadda ka aloosan bariga dhexe Xilibay Aargoosi Qorshaynayso
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Booqday Sadex Saldhig oo laga Sabootinaayo Ciidan loo Diray Dagaal Alshabaab looga Saraayo…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here