Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Jaadka Kenya ee lasheegay inay Fasaxday iyo...

Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Jaadka Kenya ee lasheegay inay Fasaxday iyo Waxa ay ku Badalatay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay arrimaha la xiriira ganacsiga qaadka Kenya ee ay warbaahinta qaar tabisay in dhowaan dib loogu fasixi doono Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ku dhow maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro qaadka.

Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah.

Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda.

Mowduucan ayaa ahaa mid uu in muddo ahba muran ka taagnaa, tan iyo markii ay xayiraad kusoo rogtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxay dalbatay Soomaaliya?

Xogta ay BBC-da ka heshay ilaha dowladda ayaa sheegeysa in weli uu socdo wadaxaajoodka labada dowladood, go’aan rasmi ahna aan la gaarin.

Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta Kenya ka dalbatay in loo hirgeliyo dhowr arrin oo ay ka mid yihiin:

1- Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika

In muddo ahba Soomaaliya ayaa u hanqal taagaysay in ay xubin ka noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo hadda ka kooban toddobo waddan oo kala ah: Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda, Suudaanta Koonfureed iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo.

2- Fududeynta safarka

Qodobbada muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka rabto dhinaca Kenya waxaa ka mid ah in muwaadiniinta Soomaalida loo fududeeyo safarrada ay ku tagayaan Kenya.

Qof walba oo ku dhoofaya baasaboorka Soomaaliya ayaa marka uu tagayo Kenya laga doonayaa in uu qaato dal-ku-gal ka hor inta uusan diyaaradda raacin.

3- Dhoofinta Kalluunka

Ilaha dowladda Soomaaliya ee xogta aan ka helnay ayaa noo xaqiijiyay in Soomaaliya ay sidoo kale doonayso in Kenya loo dhoofiyo kalluunka Soomaaliya.

Qodobkan ayaa isagana ahaa mid dhowr jeer oo hore la soo hadal qaaday, qaybna ka ah ganacsiyada ugu waawayn ee dhex mari kara labada waddan ee deriska ah.

Ad
Previous articleDowlada Xasan shiikh oo Fasaxday jaadkii Kenya laga Keeni Jiray maxay Uga Badalatay Jaadka Ka imaanaaya Kenya Dowlada Soomaaliya?
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo War Cusub Soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here