Home Wararka Maanta Wasiir ku xigeenka Gargaarka Soomaaliya oo xaqeejiyay in Wasaaradda laga buriyay 16...

Wasiir ku xigeenka Gargaarka Soomaaliya oo xaqeejiyay in Wasaaradda laga buriyay 16 ruux oo shaqaale ah

0

Wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamuud Xasan, ayaa xaqiijiyay in ay jirto 16 shaqaale ah oo wasaaraddiisa katirsanaa oo si sharci darro ah shaqada looga saaray.

Qoraal uu wasiirka ku faafiyay bartiisa facebook ayuu ku sheegay  in ay xafiiskiisa soo gaartay cabashada shaqaalaha la eryay, isagoo sheegay inuu hayo caddaymo iyo xog badan oo muujinaysa arrintaas.

Wasiirku wuxuu ku wargaliyay shaqaaalaha la eryay in ay dib shaqadooda ugusoo laabtaan, wuxuuna sheegay in aysan dhici karin in lagu xadgudbo xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo looga faa’idaysanayo olole doorasho.

Dhowaan ayay ahayd markii qoraal kasoo baxay Wasaaradda gargaarka lagu beeniyay shaqo ka eryida shaqaalaha, iyadoo aad qoraalkaas loogu difaacay wasiirka gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ad
Previous articleBiya dhaamin laga sameeyay deegaano ka Tirsan Galmudug oo Abaara xoogan ay ka jiraan
Next articleMidowga Yurub (EU) oo Kenya u soo celiyay in ka badan 70 boqolkiiba Maaliyadda ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here