Home galmudug Daawo Sawirada Ciidamada Puntland oo Burburiyay Guryo iyo Baraago Deegaano Dhaca Bariga...

Daawo Sawirada Ciidamada Puntland oo Burburiyay Guryo iyo Baraago Deegaano Dhaca Bariga Gobolka Mudug.

0
SHARE

Bulashada Deer Miyiga ah ee Ku nool Deegaanka Cali Waal oo Qiyaastii 40Km Bariga Uga Began Gaalkacyo Ayaa Cabasho xoogan ka muujiyay dhibaatooyin joogto ah oo ay Ku hayaan Askar ka Tirsan Maamulka Waqooyiga Mudug Ee Puntland.

Xubno Ka socda Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo ay wehliyaan Warbaahinta Ayaa Indhahooda Ku soo arkay Burbur lixaad leh oo Ciidamada Puntland ka Geysteen Deegaanka Cali Waal oo ay dhulka la simeen dhismayaal Guryo ah iyo Baraago Biyaha ay Ku shuban jireen Xoolo dhaqatada Reer Galmudug.

Dadka Deegaanka Ayaa Sheegay in Ciidamo wata Gawaari dagaal oo soda ay tilmaameen Saldhig Ku leg Deegaanka Good ay si joogto ah Ugeystaan Tacaddiyo kala duwan Lidna Ku ah Go’aanadii Nabadeynta ee Horay u kala saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

W/D/Abdalle Mohammed Abdulle
Xaafiiska Mudug24.com Gaalkacyo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here