Home wararka Dalka Ciidan ka tirsan Puntland oo qarax lagu eegtay Gobolka Bari.

Ciidan ka tirsan Puntland oo qarax lagu eegtay Gobolka Bari.

0
SHARE

Wararka imaanaya Duleedka Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland lagu qarxiyay Gobalka Bari.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamada Puntland lagula beegsaday halka loo yaqaano Bali Qadar oo ku taalla Buuraleyda Galgala ee Gobalka Bari.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay,waxaana ku dhaawacmay saddex askari oo ka tirsan ciidanka Puntland,kuwaasi oo saarnaa gaari Cabdi bile ah.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here