Home galmudug Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Geeriyooday (Akhriso)

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Geeriyooday (Akhriso)

0

Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Allaha u Naxariistee xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka  Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xassan Maxamed Axmed (Xasan Caarad),waxaana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ay xaqiijiyeen in uu Magalada Nairobi ku geeriyooday.

Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xassan Maxamed Axmed (Xasan Caarad) oo ka mid ahaa Baarlamaanka Galmudug, Kuwa Ugu fir fircoon.

Maal mihii dambe ayuu Wajahayay Xanuuno Kala duwan Waxaana La sheegay in Ugu dambeyn uu Ugu Geeriyooda xanuunkaas.

Ilaa Hada Lama sheegin Xogta Ku saabsan Xanuunka Xildhibaanka  Haayay Maal mihii La soo Dhaafay

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here