Home galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii ku Timid Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka...

Madaxweynaha Galmudug oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii ku Timid Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Galmudug (Sawiro)

0
SHARE

Madaxweyne Xaaf Oo ka tacsiyeeyay Geeridi ku timid Marxuum Xasan Caarad oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug oo Caawa ku geeriyooday Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Xasan Maxamed Axmed Caarad oo ka tirsanaa Barlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa tacsi u diray Dhammaan ehelkii, asxaabtii,qaraabadii, Baarlamaanka iyo shacbiga Galmudug oo uu ka baxay marxuum Xasan Caarad oo ahaa xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Alla ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xasan Caarad ayaa Barlamaanka Galmudug ka mid noqday May 2015, wuxa uu kamid ahaa Xubnihii ugu horeeyay ee loo xulay Barlamaanka Galmudug.

Waxa uu ahaa aqoonyahan, mudane ku firfircoon howlaha Barlamaanka,
Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa gudiyada joogta ah ee Baarlamaanka Galmudug.

-Dhamaad-

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here