Home wararka Dalka Soomaaliland oo Shaacisay in Biritin ay Ergay Cusub usoo Magacaawday Soomaaliland

Soomaaliland oo Shaacisay in Biritin ay Ergay Cusub usoo Magacaawday Soomaaliland

0
SHARE

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo ayaa isaga oo ku sugan dalka Britain waxa uu sheegay in dowladda Britain ay ergay gaar ah usoo magacaawday Somaliland.

Waxa uu sheegay in uu u shaqeyn doono sida safiir loo soo magacaabay dal madax banaan, waxa uuna intaas ku daray in uu fadhigiisu ahaan doono Magaalada Adddis Ababa.

Dowladda Ingiriiska kama aysan hadal ilaa iyo haatan, hadii ay ergay usoo magacaabeen Somaliland, Magaca ergayga iyo waxa uu qaban doono.

Arrintaani ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhawaan xoghayaha difaaca Britain uu booqasho aan hori loo sii shaacin ku tagay Somaliland, balse isagu qudhiisa kama uusan hadal arrintaani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here