Home wararka Dalka Dhageyso Khayre oo Magacaabay Xubanaha guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida...

Dhageyso Khayre oo Magacaabay Xubanaha guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka, iyadoona 8 ka mid ah ay wasiiro yihiin {Akhriso}

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay Xubanaha guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka kuwaas oo ka kooban 11 Masuul,
qoraalka ka soobaxay xafiiska Ra’isul wasaaraha soomaaliya xasan Cali khayre ayaa lagu sheegay in Xubnaha Guddiga Bad-baadada Hantida Qaranka ay ka shaqeen doonaan Soo celinta Hantii dowlada dhaxe, Waxaana lagu xusay Qoraalka in ay Madaxweynaha Soomaaliya maxamed cabdullahi farmaajo, iyo xubnaha Golaha wasiirada ay ogyihii Magacaabista Xubnaha Guddiga.

Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka waxaa Gudoomiye u ah Cabdulaahi goodax bare oo iminka ah wasiirka wasaarada waxbarashada Xukuumada soomaaliya.
guddigaan 8 ka mid ah waa wasiiro
waxayna kala yihiin cabdullahi goodax bare waxbarashada.
C/raxmaan ducaale bayle, wasiirka maaliyada.
maxamed abuukar isloow ducaale wasiirka amiga.
maryan aweys jaamac wasiirka dekedaha.
cabdi aadan Hoosoow w Howlaga guud
Cabdi maxamed sabriye wasiirka arimaha gudaha
saalax axmed jaamac wasiirka shaqada iyo shaqaalaha
c/raxmaan bidhaan warsame kaluumaysiga

gudoomiyaha gobalka banaadir c/raxmaan cumar cismaan yariisoow.
Hanti dhowrka guud ee qaranka.
iyo xeer ilaaliyaha qaranka

Guddigaan waxaa la faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabaan soo celinta hantida qaranka, gaar ahaan goobaha sida muhiimka ah loogu baahan yahay in adeega bulshada lagu sii qabti, waxaana sidoo kale guddiga la faray in ay Xal uraadiyaan Arimaha saameenta ku yeelan kara dadka shacabka ah ee degan dhulalka dowladu ay leedahay.

Ra’isul wasaare khayre ayaa faray xubnaha guddigaan in la joojiyay dhamaan bixinta iyo iibinta dhulalka dowlad

sidoo kale waxaa guddiga lagu amray in ay awood uleeyihiin soo tirakoobida hantida wasaaradaha dowlada iyo Hay’adaha hoos yimaada iyo xafisyada madaxa banaan ee distuuriga ah ay leeyihiin

soo gudbinta xogta iyo soo celinta dhulalka iyo gaadiidka dowlada oo shaqsiyaad gaar ah ay ku manaafacaadayaan

ugu dambeyn waxaa guddiga la faray in Ra’isul wasaaraha soomaaliya ay muddo koban ay usoo gudbiyaan warqad tafaftiran

Halkaan Ka Dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here