Home Wararka Somaliya Shir looga hadlayay amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo ka furmay Dhuusamareeb.

Shir looga hadlayay amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo ka furmay Dhuusamareeb.

0

Kulanka oo ay goob joog ka yihiinTaliyeyaasha qaybaha Kala duwan ee Ciidanka Federaalka ayaa diirada lagu saarayaa xaaladaha amni ee Dhuusamareeb iyo Deegaanada hoostaga, oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Maamulka Degmada Dhuusamareeb iyo Saraakiisha ayaa iska xog wareystay tallaabooyinka amni ee Ciidamadu qaadeen iyo Howlgallada muhiimka ah ee looga fadhiyo in Ciidamadu ay sameeyaan inta lagu gudajiro bisha Barakeeysan ee Ramadaan.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ay balan qaadeen inay dardar gelin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro degaannada Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay kaga sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kulanka looga hadlayay Amniga ee lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada dowladda maalmihii la soo dhaafay ay howlgallo ay degaano kula wareegeen ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ad
Previous articleSawiro: Heshiis laga gaaray Shaqaaqo ka dhacday Duleedka Gaalkacyo oo u dhaxeysay Galmudug iyo Puntland
Next articleMadaxtooyada Koongo oo War ka soo saartay Safarka Madaxweyne Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here