Home Wararka Maanta Eritrea oo 16 sano kadib dib ugu biirtay urur goboleedka IGAD iyadoo...

Eritrea oo 16 sano kadib dib ugu biirtay urur goboleedka IGAD iyadoo horraan uga baxday Soomaaliya awgeed

0

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Isniintii in Eritrea “ay dib u bilowday dhaqdhaqaaqeeda” oo ay fariisatay shir madaxeedka Igad ee ka socda dalka jaarka ah ee Djibouti.

Xoghayaha fulinta ee kooxda gobolka, Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay “in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo dhoweeyo wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Cismaan Saalax” markii uu ku soo biiray shirka.

Eritrea ayaa sannadkii 2007-dii joojisay xubinimadii ururkaas, iyadoo ka cabanaysa faragelinta milateri ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya iyo burburinta ururkaas oo ay ku eedeeyeen ciidamada dibadda ah.

Igad waxay ka kooban tahay Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dil argagax leh oo Sadhig Boolis oo ku Yaal Muqdisho dhexdiisa loogu Gaystay Xasan Cabdulle Maxamuud Xili Gurigii laga Soo Xiray
Next articleMaamulka jubland oo jawaab yaab leh ka bixisay diyaaraddii laga soo celiyay Gobalka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here