Home Wararka Maanta Madax iyo siyaasiin kala duwan oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee...

Madax iyo siyaasiin kala duwan oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Puntland

0

Inta badan madaxda iyo siyaasiinta Soomaalida ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo saaka mar kale ku guuleystay hoggaaminta maamulka Puntland oo shantii sano ee la soo dhaafay uu madaxweyne ka ahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud raysal wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed, raysal wasaarihii hore Maxamed Xuseen Roooble iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa barahooda bulshada ku daabacay hambalyo ay u dirayaan Siciid Deni iyagoo u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo howlaha loo igmaday ee horyaalla.

Waa markii ugu horreysay oo Puntland dib loo doorto madaxweyne muddo xileedkiisu dhamaaday waxaana Deni la tartamayay ilaa 10 kale oo murashax oo uu kaga adkaaday doorashada.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo War kaso Saaratay Doorashada layaabka Lahayd ee Ka dhacday Puntland
Next articleXasan Shiikh oo Safar Deg Deg ah ku aaday Dalka Eriteeriya Kadib Xadgudubkii Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here