Home Wararka Maanta Tirinta codadka Wareega labaad oo dhamaatay iyo Wareeg Sadexaad oo loo...

Tirinta codadka Wareega labaad oo dhamaatay iyo Wareeg Sadexaad oo loo Gudbay

0

 Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta wareegga labaad ee codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayadoo loo gudbayo wareegga 3-aad.

Wareegaan waxaa soo gaaray Maxamed Cabdullaahe Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Wareegaan waxaa ka soo gudbay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo kala helay codad gaaraya Xasan Sheekh oo helay 110-cod, halka uu Farmaajo helay 83-cod.

Wareegaan labaad waxaa ku haray Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 67-cod iyo Xasan Cali Kheyre oo helay 63-cod.

Waxaa goordhow bilaabaneysa codeynta wareegga 3-aad oo ay isugu soo hareen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare, kuwaas oo codeeyey.

Ad
Previous articleSaciid Deni oo Hogaaminaya Tirinta Codad Wareega 1aad ee lasoo Dhameeyay
Next articleFarmaajo iyo Xassan Shiikh oo iskugu soo haray Wareega Finalka ee Doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here