Home Wararka Maanta Farmaajo, Shariif, iyo madax kale oo ka hadlay deyn cafinta Soomaaliya

Farmaajo, Shariif, iyo madax kale oo ka hadlay deyn cafinta Soomaaliya

0

Qaar ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa ka mid ah mas;’uuliyiinta ka hadlay isla markaana soo dhaweyay in Soomaaliya laga cafiyay lacag ka badan shan bilyan oo doolar,

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmajo oo bartiisa Faceboog, soo dhigay qoraal ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in Soomaaliya deyntii lagu lahaa laga cafiyay.

Farmaajo ayaa sheegay in barnaamijkaan uu soo maray mar xalado kala duwan dowladda hada jirtana ay dhameys tirtay,”Qorshaha Qaran ee deyn cafintu, waxa uu ahaa qori isu-dhiib muddo xileedyo kala duwan. Hoggaamintaydii waxay suurta galisay in aan ku guulaysano bar tilmaameedyadii iyo halbeegyadii ugu badnaa ee la xiriiray hawlaha dayn cafinta; hoggaanka hadda talada hayana uu dhammaystiray,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Dhankiisa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo isna bartiisa Faceboog ku faafiyay qoraal kooban ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo gaarto heerkaan deynta looga cafiyay lagu bixiyay dadaal badan oo dhinacy kala duwan lahaa.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in hannaanka deyn cafintu uu soo bilowday sanadkii 2011-kii, xilligaas oo isagu madaxweyne dalka ka ahaa.

“Dayn cafinta waxay soo billaabatay 2011 xilli abaar daran oo isu bedeshay macluul ay dalka ka jirtay, Dalkuna uu ku jiray dagaal adag oo Cadowga looga saaray Caasimadda, dhowr iyo toban sano oo juhdi ah kadib waa guul inaan caawa ku guuleysanno in dayntii laga cafiyo dalkeenna,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidaa si la mid ah siyaasiin badan ayaa iyaguna soo dhaweeyay arrintaan kuna tilmaamay marka la isku soo uruuriyo tillaabo guul ah oo Soomaaliya gaarsiin karta horumar ballaaran iyo la jaan qaadidda dunida inteeda kale.

Ad
Previous articleWar Deg deg ah: Soomaaliya oo caawa si rasmi ah looga cafiyay deyntii
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay in Dowladiisu Qaadan Doonin Dayn Shaaciyayna Lacag Wali Soomaaliya lagu leeyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here