Home Wararka Maanta Dowlada Shiinaha Oo ergay Cusub usoo Magacowday Dalal ay Soomaaliya Ku Jirto

Dowlada Shiinaha Oo ergay Cusub usoo Magacowday Dalal ay Soomaaliya Ku Jirto

0

Dowlada Shiinaha ayaa u magacawdey Shu Bing oo ah diblomaasi sare inuu noqdo ergeygooda gaarka ah ee Geeska Afrika, oo ah meel ay colaado ka jiraan sida Ethiopia, Eritrea iyo Somalia.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada Shiinaha Shu ayaa hore u soo noqdey safiirkii Shiinaha ee Papue New Guinea, waxaana uu waayo arag u yahay Afrika, iyo America.

Howsha ergeygan ayaa noqoneysa inuu qaaradda ka iibiyo siyaasadda Shiinaha ee ay u yaqaanaan horumarin Nabad ah.

Wasiirka Arrimaha Dibada Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii Janaayo mar uu booqdey Bariga Afrika in magacaabistan ay qorsheynayeen.

Danaha Shiinaha ee Geeska Afrika oo ay ka mid tahay xarunta ciidamada ee badda ee dalka Jabuuti, oo ah mid ilaalineysa marinka dunida ee maraakiibta. Beijing ayaa siisey deyn dalka aan badda laheyn ee Ethiopia, Ethiopia oo ku tiirsan ganacsiga kasoo dega Djibouti

Ad
Previous articleMidowga Africa oo Ciidamo Dheeri ah u Soo Diray Soomaaliya(Sawiro)
Next articleHaweeneey ku geeriyootay Mashaqo argagax leh oo Ka Dhacday Muqdishu(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here