Home Wararka Somaliya DEG DEG: Qarax Goor dhaw Lagu weeraray Maqaaxi ku taala Muqdisho

DEG DEG: Qarax Goor dhaw Lagu weeraray Maqaaxi ku taala Muqdisho

0

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Afaafka hore ee Maqaayadda Luulyami oo ku taalla Meel u dhow Xabsiga dhexe iyo Dekeda  Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay degmooyinka Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Gaari walxaha qarxa Laga soobuuxiyay Lagu Weeraray Maqaaxida.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxa sida ay wararku sheegayaan, waxaana Goobta xiray Ciidamada Amaanka.

Sanadkii Hore 2020, ayaa Qof isku soo xiray walxaha Qarxa waxuu weerar ku qaaday Maqaaxida Luul yamni ee ku taala Degmada Xamar jajab.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya Xilli Caawa Magaalada Muqdisho inteeda badan ay Xireen Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay in Musharaxiintu ay diideen in Amniga Banaanbaxa la sugo
Next articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay in Khasaare Culus uu ka dhashay Qarax Lagu Weeraray Luul yamani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here