Home galmudug Sawiro Maxaabiista Ciidanka Itoobiya oo lagu wareejiyay Odayal kasoo jeeda Somali Galbeed.

Sawiro Maxaabiista Ciidanka Itoobiya oo lagu wareejiyay Odayal kasoo jeeda Somali Galbeed.

0
SHARE

Labo Askari oo Itoobiyaan ayaa shalay galinkii dambe waxaa lagu wareejiyay Waxgarad ka yimid dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaana Maxaabiistaasi wareejiyay waxgarad ka socday degmada Galinsoor iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale maanta ay degaanka Kaxandhaale ay dhici doonto Munaasabad ay garwadeen ka yihiin waxgaradka dowlad degaanka Soomaalida oo lagu wareejinaayo hub ay leedahay dowladda Itoobiya oo Galmudug lagu heystay.

Mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliya ay  u dirtay degaanka Galinsoor ayaa Ku guuldareystay in ay wali xal ka gaaraan labadda dhinac, waxaana muuqata in waxgaradka labadda Beelood ay waddaan dadaallo lagu heshiisiinaayo Maleeshiyaadka dagaallamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here