Home galmudug Degmada Kaxan-dhaale Xaaladeeda Waa Sidee Maanta Maxaase ka socda.

Degmada Kaxan-dhaale Xaaladeeda Waa Sidee Maanta Maxaase ka socda.

0

Waxaa maanta xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed.

Shalay gelinkii hore waxaa deegaanka lagu dagaalamay gaaray ciidamo isugu jira Nabadsugida Galmudug iyo  millateriga Soomaaliya si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamay.

Wararka maanta aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana deegaanadii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamadii shalay gaaray.

Dagaalkii maleeshiyo beeleedyada ku dhexmaray deegaanka Kaxandhaale ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 50 ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen,waxaana shalay Cadaado gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo,kuwaas oo tegi doona deegaanadii lagu dagaalamay.

Kala soco mudug24 Xaalada ugu danbeesay

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here