Home Wararka Maanta Maxay tahay shuruuddan dhabar-jabka ku ah Israa’iil ee ay Xamaas hor dhigtay?

Maxay tahay shuruuddan dhabar-jabka ku ah Israa’iil ee ay Xamaas hor dhigtay?

0

Xamaas oo ah kooxda gacanta ku haysa marinka Qasa, ayaa meesha ka saartay in la sii daayo la haystayaal kale ilaa ay Israa’iil oggolaato “in ay si buuxda u joojiso waxa ay ugu yeereen gardarrada”.

Israa’iil ayaa sheegtay in in ka badan 2,000 oo dagaallamaayaasha Xamaas ah ay ku dishay Qasa tan iyo xabbad joojin horraantii bishan dhacday, taas oo in ka badan 100 qof oo la haystay lagu sii daayay.

Ku dhawaad 120 qof oo laga afduubtay Israa’iil 7-dii Oktoobar ayaa la rumeysan yahay in weli lagu haysto Qasa.

Waxaa weli socda dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu meel mariyo gaarsiinta gargaar badan Qasa.

Mareykanka ayaa sheegay in uu weli walaac xooggan ka qabo qaraarka qabyada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo hadda codeynta dib loo dhigay.

Xabbad-joojintii toddobaadlaha ahayd ee bishan ayaa sidoo kale keentay qulqulka gargaarka ee Qasa oo ay Qaramada Midoobay ka digtay in dadku ay halis ugu jiraan macaluul haddii dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas uu sii socdo.

Wada xaajoodyo ku saabsan xabbad joojin cusub ayaa ka socday magaalada Qaahira ee dalka Masar, inkastoo wadahadalladii u horreeyay ee Arbacadii aan la isku afgaran.

Bayaan ay soo saartay Xamaas ayay ku tiri: “Waxaa jira go’aan qaran oo dhinaca Falastiiniyiinta ka imaanaya, kaas oo ah in aan laga hadlin maxaabiista marka ay noqoto heshiisyada la’is dhaafsado ilaa inta si buuxda loo joojinayo gardarrada”.

Ma cadda kooxaha kale ee falastiiniyiinta ah isla markaana ay bayaanku ula jeedaan ama ay si guud ugu hal qabsadeen. Islamic Jihad, oo ah koox yar oo ku sugan Marinka Qasa, ayaa ka mid ah kuwa la og yahay in sidoo kale dad la qafaashay oo Israa’iiliyiin ah heystaan.

Hadalkan kasoo baxay Xamaas ayaa Israa’iil galiyay xaalad aad u adag.

Waxa ay sheegtay in ay u malaynayso in habka ugu wanaagsan ee lagu sii dayn karo la haystayaasha ay tahay cadaadis millatari oo la saaro Xamaas iyo in la sameeyo hawlgallo samatabixin ah.

Hase yeeshee, habkaas ayaa ah mid aan ilaa iyo haatan shaqeynin. Hal qof oo kamid ahaa la haystayaasha laguna magacaabayay Ori Megidish ayaa ilaa iyo haatan lasoo badbaadiyay.

Dowladda ayaa sidoo kale cadaadis weyn kala kulmeysa ehelada la heystayaasha wali gacanta lagu hayo, iyadoo qaarkood ay u sheegeen in xeelada xoog lagu muquuninayo aysan shaqeyn.

Xamaas waxa ay cadaadis ku saaraysaa Israa’iil in ay gebi ahaanba joojiso dagaalka, balse waa iyada oo aan wax dammaanad ah laga hayn in kooxdaasi ay joojinayso falalka hubaysan ee ay qaaddo.

Israa’iil aad ayay uga caga jiidaysaa in ay dagaalka joojiso ilaa ay ka dareemayso in ay gebi ahaanba hoos u dhigtay awoodii Xamaas oo aysan weli taasi dhicin.

Tani waxay niyad jab weyn ku noqon doontaa dadka reer Qasa, kuwaas oo quus ka taagan joojinta dagaalkan.

Warbixinta Israa’iil ee ay ku sheegtay in 2,000 oo xubnaha Xamaas ah ay ku dishay Qasa bishan gudeheeda, ayaa timid maalin kadib markii wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ay tirada guud ee dhimashada Qasa ku sheegtay tan iyo 7-dii October in kabadan 20,000 oo ay ku jiraan 8,000 oo carruur ah iyo 6,200 oo haween ah.

Markii Xamaas iyo xulafadooda ay jabiyeen xayndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee Israa’iil 7-Oktoobar waxay dileen ilaa 1,200 oo qof.

Ad
Previous articleXaaskii Jamal Khashoggi oo lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul oo magangalyo siyaasadeed ka heshay Mareykanka.
Next articleCiidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo Dhowr Degmo Qarka Usaaran inay alshabaab kasaaraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here