Home Wararka Maanta Dagaal laisku Adeegsaday Baangado oo ka Dhacay Muqdisho iyo Dad ku Dhintay

Dagaal laisku Adeegsaday Baangado oo ka Dhacay Muqdisho iyo Dad ku Dhintay

0

Dagaal la isku adeegsaday baanagado iyo midiyo oo caawa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Waxaa caawa dagaal la isku adeegsaday mindiyo iyo baangado uu ka dhacay xaafada Siisii ,gaar ahaan afaafka hore ee Masjidka Muumino Ceelbuur.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday muran ka dhashay maqaayad shaaha laga cabo, gaar ahaan kursi la isku qabsaday , waxaana dhinacyada isku dhacay u kala yimid gurmadyo.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ahaa dadkii dagaalamay ayaa dhintay, halka mid kalana dhaawac soo gaaray, waxaana la xiray qaar kamid ah dadkii dagaalka ku lugta lahaa.

Ad
Previous articleWasiirka Gaashaandhiga dowladda Kenya oo ku Hanjabay inay Dad ka ugaarsan Doonaan ka Gudaha Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Saakay ka Dhacay Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here