Home Wararka Maanta Mareykanka oo war cusub kasoo saaray heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay...

Mareykanka oo war cusub kasoo saaray heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay kowdii bishan wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

0

Mareykanka ayaa war cusub kasoo saaray heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay kowdii bishan wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo haatan soo farogeliyay heshiiska labada dhinac ayaa caddeeyay inuu kasoo horjeedo, maadaama uu xadgudub ku yahay Soomaaliya.

“Waxaan taageereynaa Soomaaliya iyo madax banaanidooda dhuleed, waana in la ixtiraamo ” ayuu yiri John Kirby oo ah isuduwaha xiriirka golaha amniga qaranka Maraykanka.

John Kirby ayaa shaaca ka qaaday inheshiiskaas uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo waxa loogu yeero argagixisada.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in aqoonsi ay Itoobiya siiso Somaliland uu halis gelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in gobolka Geeska Afrika uusan xilligan xamili karin colaad kale, maadaama ay jiraan dhibaatooyin muddo dheer lala soo halgamayay

“Ma aaminsanin in gobolku uu awoodi karo colaad kale, “Uma maleynayno in heshiiska isa-fgaradka ah uu u socdo jihada saxda ah.” mar kale yiri John Kirby.

Mareykanka ayaa horay u caddeeyay mowqofkiisa ku aadan xadgububka Itoobiya, isaga oo si cad uga horyimid heshiiska badda ee la18gu gaaray magaalada Addis Ababa.

Arriimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 18-ka bishan lagu wado inuu dalka Uganda ka dhaco shir ay dalal IGAD ka yeelanayaan arrimaha soo kordhay, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay heshiiska Addis Ababa, walow ay shirkaas iska diiday dowladda Itoobiya

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Talaabo adag ka Qaaday Itoobiya
Next articleWararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Qoryooley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here