Home Wararka Somaliya Sawiro:- Dowlada oo soo bandhigtay Meydadka iyo Hub laga furtay Shabaab

Sawiro:- Dowlada oo soo bandhigtay Meydadka iyo Hub laga furtay Shabaab

0

Dagaal socdey mudo kooban ayaa Duleedka Koonfureed ee Dhuusamareeb ku dhex marey Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ururka Al-shabaab, Waxaana la maqlayay daqiiqado kooban jugta qoryaha culus ee la isku adeegsanayay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa xaqiijiyay in weerarkan oo Alshabaab ay qorsHeynayeen in ay ku beegsadaan Xerada Ciidamada GorGor ay ka hortageen Ciidamo loo qorsheeyay oo wadada u galey kooxda weerarka soo qaadey, kuwaa oo dagaal culus uu dhex marey mudo daqiiqado ah iyaga iyo Ciidamada.

Taliyaha Ururka 15-aad ee Kumaandooska GorGor Maxamed dhakawayne ayaa xaqiijiyay in ay Ciidamadu gacanta ku hayaan, Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay kujiraan 2-BKM, nin dhaawac ah iyo 8-meyd ah oo ay ka carareen.

Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay duleedka Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay hubkii ay ka furteen Al-Shabaabkii iyo Meydadka xubno uu sheegay in ay ka tirsansan yihiin Shabab.

Ad
Previous articleMaxaa ka jira in Axmed Madoobe uu ka baxay Shirka Dhuusomareeb ka socday
Next articleMaxaa ka Cusub Saaka Shirka Dhuusomareeb uga socda Madaxda Maamulada Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here