Home Wararka Somaliya Galmudug Wafdi Kasocda Dowlada oo Gaaray Degmo Ka Tirsan Galmudug oo Asbuucii Hore...

Wafdi Kasocda Dowlada oo Gaaray Degmo Ka Tirsan Galmudug oo Asbuucii Hore Alshabaab laga Saaray

0

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa safar ku tegay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanada kala ah Yaasiin Farey, Cabdirisaaq Xusul iyo Senator Zamzam Daahir ayaa hoggaaminaya wafdiga gaaray Galcad oo ah degmadii ugu dambeysay ee laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanada ayaa markii ay tageen Galcad waxay la kulmeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ee suurta galiyey in Galcad ay si nabad ah ku tagaan xildhibaano heer federaal ah.

Xildhibaanadaan oo ka soo jeeda Galcad, Mesegawaa iyo Ceeldheer ayaa hey’adaha deeq bixiyayaasha ah ugu gacan haatiyey in loo soo gurmado qoysaska ku nool deegaanadaas oo noloshoodii ay burburisay kooxda Al-Shabaab.

Kooxda oo waayo badan heysatay dhulkaas ayaa deegaanadaas u diiday wax hormar ah, waxayna xildhibaanadaan u kuur gelayaan nolosha dadkii ku noolaan, kadib markii laga xoreeyey Al-Shabaab.

“Hey’adaha deeqda bixiya deegaanada kalena waa geeyaan waxa ay hayaan, laakiin waxaan ka codsaneynaa inay Galcad iyo deegaanadaan la soo gaaraan gargaar, noloshii dadkaan waxaa dhulka la gashay kooxdii ay ka dul-qaadeen geesiyaasha xoogga dalka,” ayey tiri Senator Zamzam Daahir.

Xildhibaanada ayaa ciidanka xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanad-guuradooda 63-aad oo sanadkaan ay ku qaadanayaan furimaha dagaalka, maadaama aysan u suurta gelin inay dhigtaan xaflado waaweyn oo dagaal adag ay kula jiraan Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ayaa duurka fog ee gobolka Galgaduud ku sii baacsanaya kooxda Al-Shabaab, waxayna saacadihii lasoo dhaafay kooxda ka saareen dhowr deegaan oo hoos tagta Galcad.

Cali-yabaal, Sabansabley, Ceeljuqow, Cali Afrax, Ceel-Afweyn iyo deegaano kale oo muhiim ah ayuu ciidanku ka xoreeyey kooxda 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxayna maanta kaabiga ku hayaan degaanka Budbud oo kooxda Al-Shabaab ay weli joogto.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka xoogga dalka ayaa Caasimada Online u sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan Budbud oo ah deegaan istaraatiiji ah, welina gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Ad
Previous articleCiidan ka tirsan koofiyacasta Villa Somalia oo lagu tababaray dal ka tirsan Yurub (Sawirro)
Next articleQarax ka dhacay Maraykanka oo ay nafwaayeen 18,000 kun oo neef

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here