Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Ka Hadlay Geerida Xaawo Cabdi Samatar

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Hadlay Geerida Xaawo Cabdi Samatar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, oo ahayd Marwada, Alle ha u naxariistee, madaxweynihii hore ee dalka Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.

Ad
Previous articleLiiska Rasmiga ee Musharixiinta isdiiwaan galiyay oo lasoo saaray ( Akhriso )
Next articleAadan Madoobe oo Magacaabistii ugu Horeeyey Sameeyey Tan iyo Markii La Doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here