Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda GAZA iyo sida Haatan Xaalku...

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda GAZA iyo sida Haatan Xaalku yahay

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo laga sameeyo Gaza, taasoo uu sheegay inay noqotay “xabaasha” boqollaal carruur Falastiiniyiin ah maalin kasta, iyadoo golaha ammaanku uu yahay mid aan waxba ka qaban karin.

“Waddada loo marayo xabbed-joojinta waa caddahay,” ayuu ugu sheegay suxufiyiinta Qaramada Midoobay. “Xabbad joojin bini’aadantinimo waa in hadda la sameeyo.” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay sidoo kale ixtiraamaan waajibaadkooda, sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, cid kasta oo ku lug leh dagaal hubaysanna aysan ahayn inay ka sarreyso sharciga.

“Tani waxay la macno tahay in la haystayaasha Gaza hadda lagu sii dayn doono shuruud la’aan,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya 240 rag, dumar iyo carruur ah oo ay Xamaas qafaasheen intii lagu jiray weerarradoodii argagixiso ee Oktoobar 7 ee gudaha Israa’iil.

“Weligay kama daali doono in si degdeg ah loo soo daayoo dadka la heysto” ayuu raaciyay.

Guterres wuxuu sheegay in ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ay la macno tahay ilaalinta rayidka – oo ay ku jirto inaan rayidka loo isticmaalin sidii gaashaanka – isbitaallada, xarumaha Qaramada Midoobay, hoyga iyo dugsiyada Gaza iyo kor u qaadista gargaarka iyo shidaalka dhulka go’doonsan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan jiri doonin xabbad-joojin bini’aadantinimo haddii aan la sii deyn dhammaan la haystayaasha.

Ad
Previous articleNaadiya Maxamed unoqotay Soomaaligii ugu Horeeyey ee loo Doortay uq magaalo oo Mareykanka
Next articleDowlada Federalka oo shaacisay tirada guud ee dhimashada iyo khasaaraha ay geysteen roobabkii da’ay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here