Home Wararka Caalamka Iran: 75 qof oo ku dhintay dibad-baxyada ka dhashay dilkii Mahsa Amini

Iran: 75 qof oo ku dhintay dibad-baxyada ka dhashay dilkii Mahsa Amini

0

In ka badan 75 qof ayaa ku dhintay howlgallada ay Iran ku xakameynayo dibadbaxyo socda maalinkii 11-aad oo ka dhashay dilka gabar lagu magacaabay Mahsa Amini, waxaa sidaas sheegay hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Warbixintan ayaa imaneysa ayada oo dalalka Reer Galbeed ay ku cadaadinayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah inay soo afjarto rabshadaha.

Tirada dhimashada rasmiga ah ee mas’uuliyiinta Iran ay sheegeen ayaa taagneyd 41 qof tan iyo Sabtidii, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada ammaanka, xilli dalka ay gilgileen dibad-baxyadii ugu xoogganaa ee muddo saddex sano ah

Dibad-baxayaasha ayaa mar kale qaaday waddooyinka habeenkii Isniinta – si la mid ah sidii ay sameynayeen habeen kasta tan iyo dhimashadii Amini oo dhacday 16-kii September..

Mahsa Amini ayaa loo xiray inay jebisay xeerarka adag ee dalkaas u yaalla ee ku saabsan xirashada xijaabka, waxayna ku geeriyootay gacanta booliska.

Sanandaj oo ah caasimadda gobolka galbeedka ee Kuridstan oo ay kasoo jeeday Mahsa Amini, haweenka ayaa ku dul boodayey baabuurta kadibna iska tuurayey qamaarka, sida ay muujiyeen sawirro ay daabacday hay’adda xuquuqda aadanaha Iran Human Rights (IHR) oo fadhigeedu yahay Oslo.

Dibad-baxayaasha Tehran ayaa iyagana ku qeylinayey “kaligii-taliska ha dhinto” ayaga oo ku baaqaya in lasoo afjaro in ka badan 30 sano oo uu dalka xukumayey hoggaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei oo 83 jir ah.

Ad
Previous articleDowlada Masar oo kusoo Biirtay Dagaalka lagu Baacsanaayo Alshabaab
Next article9 Dhallinyaro oo kasoo baxsaday Magafayaasha Liibiya oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here