Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Xiisad Culus oo maantay Ka Taagan Garowe iyo...

Wararkii ugu Danbeeyey Xiisad Culus oo maantay Ka Taagan Garowe iyo Ciidamo badan oo soo buux dhaafiyay garoowe

0

Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolkaasi oo ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan Saciid Deni iyo mucaaradka.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan bartamaha magaalada, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in Garoowe lagu dhex arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, isla markaana wada dhaq-dhaqaaqyo culus.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo ka tirsan kuwa PMPF oo wata illaa 20 gaadiidka dagaalka ay gudaha u galeen magaalada Garoowe, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Arrintaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka gaadiidka oo inta badan hakad ku jira.

Xubnaha mucaaridka ayaa xalay ka digay dhaq-dhaqaaq ay sheegeen in madaxweynuhu wado, iyaga oo ku eedeeyay in ciidamo badan uu kusoo daad-gureynayo caasimada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada Puntland oo ku aadan xiisadda maanta laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Waxa ay arrintaan kusoo aadeysaa, xilli baarlamaanka uu todobaadkan u madlan yahay meel-marinta xeerka doorashooyinka qof iyo cod, taasi oo ay waddo xukuumadda Deni.

Ad
Previous articleCabdisalaan Cali Axmed oo Saakay Lagu Toogtay Fagaare Ku yaala Degmada Guriceel
Next articleXog ku saabsan kulanka aan la shaacin ee dhexmaray Xasan Sheekh iyo Laftagareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here