Home Wararka Somaliya Akhriso: Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay ku dhawaad 200 Sargaal

Akhriso: Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay ku dhawaad 200 Sargaal

0

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay 174 -sargaal oo katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Saraakiishan uu dalacsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay isugu jiraan kuwa qabiil ahaan loo dalacsiiyay, kuwa muteestay dalacsiinta iyo sidoo kale kuwa kale oo qeyb ka ah ololaha doorashada.

Sida aan xogta ku helnay saraakiishan la dalacsiiyay kuma jiraan kuwa badbaado Qaran ee kasoo horjeestay mudo kororsigii Madaxweyne Farmaajo, waxaana saraakiisha la dalacsiiyay yihiin kuwii sida weyn u taageersanaa Farmaajo.

Xiliyada doorashada marka la gaaro ayaa looga bartay Madaxda xilka ka dageysa in ay dalacsiiyaan saraakiil badan oo isugu jira kuwa ku heyb ah iyo kuwa kale oo qeyb ka noqonaya ololaha doorashada ay ku jiraan.

Ad
Previous articleKismaayo oo lagu doortay xilibaankii ugu horeeyay ee Aqalka Sare
Next articleRa’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay falanqeyn ku saabsan Waxbarashada oo lagu qabtay London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here