Home wararka Dalka Sawiro Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Ay la Kulmeen Gudoomiyaha Barlamaanka...

Sawiro Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Ay la Kulmeen Gudoomiyaha Barlamaanka Birana ka boodeen.

0

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay kulan ay la qaateen Gudoomiyaha Barlamaanka kadib Qoraal uu soo dhigay Bartiisa.

In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada.

Waa nasiib daro runtii in sidaas loola dhaqmo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ah shaqsiga labaad ee dalka. Waxaa ii muuqda ififaalo muujinaya in dalkaani god mugdi ah lagu ridayo. Dhamaan sharciyadii yaraa ee dalkaan la iskula hayayna laga tilaabsaday. Lkn waxaan cod dheer ku leenahay yeeli mayno mana yeeli doono caburin iyo cago juglayn. Soomaaliyana in xoog lagu maamulo ma suurogeli doonto inshaa’allaah.

Hon. Mahad Salad

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here