Home wararka Dalka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Ayaa Warsaxaafadeed Ka soo saartay Khilaafka udhaxeeya Madaxda...

Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Ayaa Warsaxaafadeed Ka soo saartay Khilaafka udhaxeeya Madaxda Dowlada Soomaaliya

0

Warsaxaafadeed Ka soobaxay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha  Soomaaliya ayaa si kulul uga Hadlay khilaafka Siyaasadeed ee udhaxeeya Madaxda Dowlada Soomaaliya

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed waxay aad iyo aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee ku soo korortay dalka, taasi oo ugu horrayn saamayn wayn ku yeelan karta dhaqaalaha, maalgashiga iyo guud ahaan nolosha danyarta.

Waxaynu wada ognahay haddii la waayo xassilooni siyaasadeed in wax walba
xumaanayaan, kalsoonida guud iyo aaminaadda maalgashi dibadeed oo dalka ka
hirgashaana meesha ka baxayso.

Waxay noola muuqataa in arrimahan deg-degga ku socda dalka gelin karaan,
gaarsiinna karaan meel aad u liidata, rajada dib u soo kabashada dalkana ay ku keeni
karto dhaawac aan kabasha lahayn.

Sidaa awgeed, Waxaan usoo jeedinaynaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo
Xildhibaannada keenay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha in ay ka noqdaan
tallaabadan, maaddama ay wax u dhimeyso horumarka iyo geeddi socodka
siyaasadeed ee dalka.

Waxaan ku talinaynnaa in dhammaan qaybaha ay khusaysa ee xilalka kala duwan haya inay u turaan umaddaan muddada dheer dhibaatada ku soo jirtay, muujiyaana dulqaad
iyo isu tanaasul, si dalku u gaaro meel ka wanaagsan meesha hadda la joogo.

D H A M MA A D

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here