Home Wararka Maanta Siyaasiga C/raxmaan C Shakuur oo war ka Soo saaray Dhalinyaradii Eleteriya

Siyaasiga C/raxmaan C Shakuur oo war ka Soo saaray Dhalinyaradii Eleteriya

0

Siyaasiga C/raxmaan C shakuur Warsame Ayaa ka hadlay dhalinyaradii sanado ka Hor loo qaaday Wadanka Eleteriya.

qoraalka C/raxmaan C shakuur Warsame  Ayaa u qornaa Sidaan”

Waxaa soo baxaya warbixinno ay daabaceen wargeyso caalami ah oo si faahfaahsan u soo bandhigay in dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dalka Eritrea loo qafaalay ay ka qaybgaleen dagaalka ka socda Gobolka Tigreega.

Waa danbi laga galay waaliddiintii la khiyaanay ee loo sheegay in ubadkooda dalka Qatar loo qaadayo. Waa khiyaano qaran in wiilal Soomaaliyeed laga dhigay xaabo loogu guro dab dagaal oo dal kale ka socda.

Waa danbi ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee danbiyada dagaalka. Waa in la soo badbaadiyaa inta ka hartay wiilashaas, loona celiyaa ehelkoodii, loona adeegsan dagaal danbe oo bannaanka ama gudaha ahba.

Ad
Previous articleCumar Cabdirashiid oo Si kulul Uga Hadalay Doorashada Ka Dhacday Garoowe
Next articleMaamul Goboleed Soo Saaray Jadwalka 5kursi oo Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here