Home Wararka Maanta Villa hargaysa oo Laga Wareejinaayo Doorashada Gudoomiyeyaasha Golaha Shacabka Kadib Cabsi kasoo...

Villa hargaysa oo Laga Wareejinaayo Doorashada Gudoomiyeyaasha Golaha Shacabka Kadib Cabsi kasoo Daristay Baarlamaanka

0

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaa sheegay in goob aan aheyn xarunta Villa Hargeysa uu Baarlamaanka ku shaqeeyo aan lagu qaban doonin doorashada guddoonka gollaha shacabka ee lagu wado in ay dhacdo 27-ka bishan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in doorashadda guddonka ka dhaceyso meel ammaan ah oon aheyn xarunta ay hada ku shiraan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in labadii kulan ee ugu dambeeyay ay ku shireen xarunta Villa Hargeysa marna hoobiyaal lagu soo tuuray marna rasaas lala dhacay Qaboojiyaha xarunta Villa Hargeysa si meesha kuleel daran u noqoto xildhibaanadana aysan ku shirin.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in ka guddi ahaan dadaal badan u galeen shalay sidii ay u hagaajin lahaayeen qaboojiyaasha si uusan u baaqan kulan xildhibaanada gaar ahaan hadal jeedinta musharaxiinta.

“Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaad Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday, waxa aan ku dedaalnay in aanay dib u dhicin hadal jeedinta oo aan qabaneyno maalintii 2aad, dabcan waan baddeli doonaa goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka” Ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Qaar kamid ah xildhibaanada gollaha shacabka ayaa shaki ka muujiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, waxaana socda qorshe doorashada loogu wareejinayo teendhada Afisiyooni ay ilaaliyana ciidamada AMISOM.

Ad
Previous articleQarax Lala Damacsanaa masul Ka Tirsanaa Jubaland oo la Fashiliyay
Next articleQarax lagu soo Xiray Gaari Cabdibile ah oo ka Dhex Dhacay Saldhig boolis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here