Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada amaanka Galmudug oo xalay Howlgallo xoogan ka sameeyay Galkacyo (Sawiro)

Ciidamada amaanka Galmudug oo xalay Howlgallo xoogan ka sameeyay Galkacyo (Sawiro)

0

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u hogaaminayeen Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska Gobolka Mudug Gaashaanle Maxamed Mire iyo Taliyaha Saldhigga Degmada Gaalkacyo Kaptan Cali Xirsi Sahal ayaa ujeedkiisu ahaa Xaqiijinta Amniga Magaalada iyo ka hortagga falalka amniga Liddiga ku ah sida Ladagaalanka Maandooriyaha Khamriga iyo kuwa Argagaxiso.

Ciidamada oo baro Koontorol ka sameystay Isgoysyada magaalada ayaa baaritaano ku samaynayay gaadiidka nuucyadiisa kala duwan iyo dad weynaha isticmaalaaya.

Bulshada magaalada ayaa soo dhaweeyey howlgalkaan iyagoo sheegey inuu kusoo aaday waqti loo baahnaa.

Taliyaasha Howlgalka hor kacayay Kaptan Cali Xirsi Sahal iyo Gaashaanle Maxamed Mire oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka looga golleeyahay howlgalka, iyagoo bulshada magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay Ciidamada kala shaqeeyaan Cirib tirka kooxaha Argagixisada iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha Khamriga ama isticmaala.

Howlgakaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo howlgallo lagu baacsanayo kooxaha Nabad diidka ah uu ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo ay wadaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka Dalka
Next articleSaraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo Booqday deeegaanka Wisil ee Gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here