Home Wararka Maanta Hooyo Dhashay 5 Caruur ah oo Muqdisho loogu Dilay Si arxan Dara...

Hooyo Dhashay 5 Caruur ah oo Muqdisho loogu Dilay Si arxan Dara ah

0

Arrin aad u fool xun ayaa ka dhacday xaafada Xerka Dheere oo ka tirsan deegaanka Gubadleey ee kala qeybiya degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa, dhacdadaasi oo Axadii dhacday ayaa dadka deegaanka iyo cid kasta oo maqla ku abuurtay murugo.

Dhacdadaan naxdinta iyo murugada xambaarsan ayaa qeyb ka ah dhacdooyin xiriirsan oo mudooyinkaan kusoo badanayay duleedka bari ee degmada Kaaraan, taasoo ay sabab u tahay amni darro xoogan oo degmada ka jirta iyo ciidamo milateri oo fariisimo ka dhigtay goobaha ay amni darada ka jirta.

Koox hubeysan ayaa waxay afduubteen Hooyo shan caruur ah leh, islamarkaana xaamilo aheyd, iyagoona kula kacay kufsi wadareed, kadib markii ay kufsadeen si arxan daran oo bini’aadanimada ka baxsan u dilay.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabi jiray Xaajiyo Macallin Xuseen oo aheyd Xaas dhashay afar wiil iyo gabar ayaa xiligii la kufsanayay raadineysa ari ka lumey, balse nasiib daro waxaa goob cidla ah ka helay dableyda oo si arxan daran u jir dilay kahor inta aan la kufsan, waxayna jajabiyeen qaar ka mid ah lafaha xubnaheeda iyo ilkihii oo ay ka jabiyeen sida ka muuqatay meydka marxuumadda.

Ehellada marxuumada ayaa ku eedeeyay maamulka degmada Heliwaa inaysan caawin kana gaabsadeen falkaani si wax looga qabto.

Aabo Macallin Xuseen ayaa noo sheegay isagoo murugeysan indhahiisana ilmo ka daadaneysay in gabadhiisa ay u baahan tahay caddaalad, kuwii laga sugayayna wuxuu sheegay in ay weydiiyeen lacag shan boqol dollar ah si dilka gabadha loo baaro.

Aabo Macallin Xuseen ayaa Warbaahinta u sheegay in Hay’adda dambi baarista ee CID ay ku xirtay baarista kiiska iyo meydkaba 500 Dollar, balse ay taas badalkeed meydka marxuumada guriga kusoo ceshadeen maadaama aysan awoodin bixinta lacagtaasi, sida uu qiray aabaha dhalay marxuumada.

 

 

 

Ad
Previous articleBankiga aduunka oo Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Deeqay $100 Miliyan oo Doolar
Next articleAwoodda Militeriga: Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here