Home Wararka Caalamka Norway oo Wax ka badashey Sharuudaha Waalidka Basaboorka u dalbaya Caruurta

Norway oo Wax ka badashey Sharuudaha Waalidka Basaboorka u dalbaya Caruurta

0

Dowlada Norway ayaa wax ka badashey Qaabka Waalidka uu u dalbanayo Basaboorka Caruurta ka yar 18 Sano jirka ama Kaarka Aqoonsiga.

laga Bilaabo Bisha November Waxaa la badalay Habkii hore oo ahaa in Waalidka Midkood looga baahanyahay Xaruunta Booliska Halka midka kale Saxiixiisa oo kaliya ay ku filneyd.

Maanta Qaabka Cusub ayaa laga dhigay in Labada Waalid ay Qaab Waji ahaan ah ama toos ah u tagaan Xaruunta Caruuta looga dalbayo Basaboorka ama Kaarka.

Muhiim maahan in Waalidka isla socdaan Waalid kasta waxa uu tagi karaa marka uu doono isla markana Saxiixi karaa Warqada.

Sidoo kale Muhiim maahan in Waalidka wada tagaan Hal Xaruun waxay kala tagi karaan labo xaruun kaliya waxaa muhiim ah saxiixa.

Caruurta ka yar 13 sano ayaa loo ogolyahay in uu dalban kara kaarka Aqoosiga isaga ahaan.

isbadalka Cusub ayaa bilowday bishan bilowgeeda sida Dowlada Shaacisay

Somaliska Oslo

Ad
Previous articleAthos Salomé oo ah Ninka Saadaaliyay Xanuunka Convid-19, Dagaalka Ukraine, oo Sheegay Xulka ku Guuleysanaya Koobka Aduunka
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo kala Diray Guddigii Doorashoyinka Qaranka Go’aan cusubna soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here