Home Wararka maanta Shirkada Maamusha Dekeda Muqdisho oo Maanta soo bandhigtay Qalab Casri ah oo...

Shirkada Maamusha Dekeda Muqdisho oo Maanta soo bandhigtay Qalab Casri ah oo Loogu Talagalay Dekeda Xamar

0
SHARE

Shirkada Albeyraka ee Maamusha Dekeda Weyn ee Muqdisho ayaa Maanta soo Bandhigtay Mid ka Mid ah Taagaga ugu Weyn, ee Loo isticmaalo Maraakiibta Xilliyada ay Ku soo Xiranayaan Dekeda Xamar.

Taagaan ayaa ah Mid Casri ah oo La sheegay in uu yahay Mid ka mid ah Nuucyada Casriga ah ee Laga Isticmaalo Dekedaha Aduunka.

Maareeyaha Shirkada maamusha Dekeda Muqdisho ee laga leeyahay dalka Turkiga ee Albeyrak Ayaa sheegay in Tani ay Qeyb ka Tahay Shaqada ay Ka Hayaan dekeda Xamar si Loo hor mariyo.

Wasiirka Dekedaha ee Dowlada soomaaliya maryan Aweys Jaamac oo goob Joog aheed ayaa sheegtay in Fursad weyn ay Utahay Tani Ganacsatada kala duwan ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale Waxay sheegtay in La Hor marinayo Dhamaan Dekkedaha Kala duwan ee Dalka soomaaliya.

Dowlada Jabuuti ayaa sanadkii 2013 Soomaaliya ugu Deeqday Laba Taag oo Nuucaan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here