Home Wararka Somaliya Galmudug Cali yare Cali oo Saakay ku Wajahan Galmudug si usoo Qaato Kursiga...

Cali yare Cali oo Saakay ku Wajahan Galmudug si usoo Qaato Kursiga Mahad Salaad ku Fadhiyo ee HOP147

0

Gudoomiyaha Amniga Gobalka Banaadir Cali yare Cali ayaa Maantay Ku Wajahan Galmudug Gaar ahaan Degmada Guriceel oo Laga Leeyahay Kursiga HOP147.

Guriceel ayaana saakay Laga Dareemayaa Qabanqaabada iyo Soo Dhawaynta Caliyare cali oo Haatan Si wayn uga Socota Xaafadaha Kala Duwan ee Degmada Guriceel Gudoomiye Caliyare ayaana Bartiisa Facebooka Kusoo Qoray Sidaan:

 

Maantay oo Isniin ah waxaan ku wajahannahay Degmada Guriceel innaga oo ka kooban bulsho qeybo kala duwan leh oo wadaagta kursiga #Hop147.

Guriceel waa Degmada xudunta Reeraha wada leh, sidoo kale waa fadhiga odayaasha leh talada Kursiga sababtaas darteed ayaan ugu xulannay inaan safarkeenna ka bilowno ka dibna aan horay u sii wadano safarkeenna Caasimadda Galmudug markii uu munaasab noo noqdo.

 

Cali yare Cali ayaana U Tartami Dooona Kursiaga Uu ku Fadhiyo Mahad Salaad ee Tirsigiisuyahay #HOP147 waana Kursiga Ugu Xiisaha Badan ee Lagu Dooran Doono Galmudug Gaar ahaan Magaalada  Dhuusamareeb, Lama Oga Cida ku Guulaysan Doonta Kursigaan oo ay isku Haystaan VIlla Soomaaliya Iyo Xisbiga UPD ee Uu Hogaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Ad
Previous articleDowlada Ka Tirsan Yurub oo Joojisay In Dalkeeda Sigaarka Lagu Xayaysiiyo
Next articleGalmudug oo Shaacisay Xiliga La Qabanaayo kursigii Ka Dhimana Aqalka Sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here