Home galmudug Kulan Ku Saabsan Fahanka ay Dhalinyaradu Ka qabaan dib u Eegista Dastuurka...

Kulan Ku Saabsan Fahanka ay Dhalinyaradu Ka qabaan dib u Eegista Dastuurka oo Galkacyo Lagu Qabtay (Sawiro)

0
SHARE

Ururka Aragtida Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYV) ayaa ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kulan looga hadlayay ololaha dibu eegista iyo doorka ay ku leeyihiin Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay taaba gelisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurkaee dowladda Federaalka ayaa ujeedkiisa ahaa sidii muwaadin kasta ooSoomaaliyeed uu uga qeyb geli lahaa wax ku darista iyo ka dhimista Dastuurkadalka oo dib u eegis lagu wado, si looga dhigo mid rasmi ah oo BulshadaSoomaaliyeed u dhan tahay, Maadaama Dhallinyaradu yihiin in ka badan %70  shacabka Soomaaliyeed waxaa DowladdaFederalku diiradda saartay sidii loo qaban lahaa Olole dib u eegista oo aydhallintu door muuqda ku leeyihiin,

Dhallinyada reer Gaalkacayo ayaa si aan kala har lahayn uga qayb galay Ololaha dib u eegista Dastuurka, waxaana xubnihii ka hadlay kulanka oo kala ahaa kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo ee iyo madaxda Ururrada Dhallinyarada Reer Gaalkacyo waxay muujiyeen kaalinta dhalinyarada ku leeyihiin dalka, isla markaana dhalinyaradu si hufan uga qeyb qaadato dib u eegista Dastuurka, si aan berri loo dhihin waa la igu dulmiyay iyo wax la igama weydiin.

Dhallinyarada ayaa ahaa kuwo ay ka muuqatay firfircoon, waxaana koox koox loogu qeybiyay nuqullo ka mid ah Dastuurka KMG iyo xuquuqda uu helayo muwaadinta, waxaana qaar ka mid dhalinyarada soo jeediyeen in wax lagu daro ama wax laga badallo, sida Da’da qaangaarka iyo meelo kale.

Dib u eegista Dastuurka ayaa isugu jirta mid Siyaasadeed ooay ka wada xaajoonayaan Madaxda qaranka iyo kuwa Maamul goboleedyadu, midXuquuqeed oo ay hadda dhallinta reer Gaalkacyo ka faalloonayaan, iyo mid Farsamooo Guddiga madaxa banaan ee dibu eegista Dastuurku ku howlan yahay, waxaanalagu wadaa in la dhamaystiro sanadda soo aaddan ee 2019 bartamaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here