Home galmudug Ciidamada Amaanka Galmudug oo Howlgallo culus Ka Wada Bartamaha Magaalada dhuusamareeb iyo...

Ciidamada Amaanka Galmudug oo Howlgallo culus Ka Wada Bartamaha Magaalada dhuusamareeb iyo Qaraxyo laga Cabsi Qabo

0
SHARE

Waxaa Howlgallo Xoogan ay Ka socdaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta galmudug, Howlgalkana Waxaa wada ciidamada Amaanka Galmudug.

Howlgalkaan ayaa yinid Ka dib Markii uu yimid Shaki iyo Tuhun La xariira Qaraxyo, La sheegay in La soo geliyay Caasimada Galmudug.

Waxaa soo Baxday xog ah in Qaraxyo La soo Geliyay Caasimada Galmudug ee Dhuusmareeb, si Qal qal Loo geliyo Amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Arintaan Cabsida ah ayaa Timid Xilli Magaalada Dhuusamareeb ay Ku sugan yihiin Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Amaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug, islamarkana ay shalay ka Shireen Sidii alshabaab Looga Saari lahaa Deegaanada Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here