Home Wararka Maanta DF Soomaaliya oo sheegtay 50 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Shabeellaha Hoose

DF Soomaaliya oo sheegtay 50 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Shabeellaha Hoose

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 50 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay laba howlgal oo ka kala dhacay nawaaxiga Kuntuwaarey iyo Qoryooley oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowladda iyo saaxiibadda caalamka oo ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoostaga degmada Kunturwaaray lagu dilay 20 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab.

Qoraal kale oo ay shalay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ayay ku sheegtay in 30 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxibada Caalamiga ah oo ka dhacay degmada Qoryooley.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah lagu bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda al-Shabaab ku leedahay deegaanka Dumaaye ee hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Axmed Macalin Fiqi ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in gebi ahaan la burburiyay saldhiggaasi.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in saldhigaasi ay yaalleen hub iyo gaadiid dagaal, isla markaana uu ahaa saldhig ay isku aruursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ad
Previous articleMaxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay taliye Shaah-macabe?
Next articleToddobaad kadib su’aalaha ku gedaamaan weerarkii Cowsweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here