Home galmudug Madaxweyne Xaaf oo Maanta Qado Sharaf u Sameeyay Saraakiisha Booliiska DG Galmudug...

Madaxweyne Xaaf oo Maanta Qado Sharaf u Sameeyay Saraakiisha Booliiska DG Galmudug (Sawiro)

0
SHARE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle, ayaa Maanta Qado Sharaf u sameeyay saraakiisha Booliska DG GALMUDUG, kulankan waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan labadda Golle Ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxaana kamid ahaa Wasiiradda wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda.

Ugu horeyn, Madaxweynaha ayaa Saarkiisha ka dhageystay Xog-warran guud oo ku saabsan Xaaladaha Amni ee Deegaanada DG Galmudug.
Intaasi kadib, waxaa la furay Ajandaha kulanka maanta oo ahaa, isku dhafka Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug,Dood iyo falanqeyn ka dibna, waxaa la isku afgartay habkii la isugu dhafi lahaa hay’adaha Amniga DG Galmudug.

Saraakiishu waxa ay madaxweynaha ka balan qaadeen iney sida ugu dhaqsiyaha badan u fulin doonaan habraac Tayeynta & isku Dhafka Ciidamada, taasi oo dhawaan laga bilaabi doono hergalinteeda magaalada Dhuusamareeb oo laga sameyn doono taliska guud ee Ciidamada Booliska DG Galmudug.
Ugu danbeyntii, Madaxweyne Xaaf ayaa Saraaskiiska Booliiska ku bogaadiyay dadaalkooda ku aadan sugida Amniga iyo Nabadgalyada.
DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here