Home galmudug Faah Faahin Dil ka dhacay Qeyb ka mid ah Gobalka Mudug

Faah Faahin Dil ka dhacay Qeyb ka mid ah Gobalka Mudug

0
SHARE

Qeybo ka mid ah Gobolka Mudug waxaa xalay waxaa ka dhacay Dil qorshaysan kaasoo ay gaysteen Kooxo haybaysan waxaana goobta ka baxsadeen  markii ay Dileen Mid ka mid ah Dad ku nool gobalka mudug.

Ninka La dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dad reer Guuraaga ahaa, waxaana la sheegayaa in ay Lug Ku leedahay Dilkaas arima la xariira Aana Qabiil.

Ninkan ayaa iska caabin ay kala kulmeen dablaydaasi waxaana ugu danbayn  u geeriyooday dhawacii dablaydaasi u gaysteen waxaana loo qaaday deeganka Bali Bulse oo meel aan sidaas uga fogayn ah Goobta uu  Falku ka dhacay

Ninkan Reer Guuraaga ah ayaa da,diisu ahayd 35 Sanno jir sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Bali-Busle ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Dilalka qorshaysan ayaa inta badan waxay ka dhacaan Barigga gobolka Mudug kuwaasoo u dhexeeya Dadka Reer Guuraaga ah ee kala taabacsan Puntland iyo Galmudug waxaana wararku sheegayaan dablaydii xalay dilka gaysatay inay Galeen Koonfurta gobolka Mudug gaar ahaana Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here