Home Wararka Somaliya Galmudug Masuuliyiin ka Tirsan Galmudug oo Maanta gaaray Xadka Somaliya iyo Itoobiya (Sawiro)

Masuuliyiin ka Tirsan Galmudug oo Maanta gaaray Xadka Somaliya iyo Itoobiya (Sawiro)

0

Gudoomiyaha degmada Guriceel mudane Farah Abdi Moalimoo ay wehliyaan Ku xigeenkiisa Arimaha Bulshada iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha maamulka Degmada ayaa maanta howlo shaqo kugaaray deeganada Xodale iyo Qaydar oo agagaarka xuduudka Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Ethiopia wadaagaan.

Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa kuwehliyay agaasimaha wasaaradda gargaarka iyo musiibooyinka mudane Omar hassan Haji waxaana ujeedada ay halkaa kutageen ay ahayd ukuurgalida xaalada nololeed boqolaal qoys oo kasoo barakacay xadka ay wadaagaan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo Gobolka Galgaduud kuwaa oo soo gaaray deegaanada Xodale iyo Qaydar kana soo barakacay abaar kudhuftay deegaanada ay kunoolaayeen markii hore kuwaa oo hada dulsaar ku ah dadka kunool deegaanada ay soogaareen.

Gudoomiye Faarah ayaana halkaa kulan kula qaatay dadka barakacayasha ah iyo dadka deegaanka isagoona kadhagaystay xaaladaha nololeed ee ay wajahayaan dadkaasi waxaana uu dhagaysigooda Kadib usheegay in maamulka Degmadu ay kaalmo deg deg soo gaarsii doonaan maalmo gudahood hay’adaha samafalkana ay lawadaagi doonaan dhibaatooyinka ay wajahayaan si ay uhelaan kaalmada ay xaqa kuleeyihiin.

Ugu dambayn agaasimaha wasaarada gargaarka iyo musiibooyinka Omar Haji ayaa dhankiisa balan qaaday in warbixinta dadkaan barakacayasha ah ay lawadaagi doonaan cid kasta oo ay qusayso si kaalmo bini’adanimo uhelaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Galmudug (Sawiro)
Next articleCiidamada Dowladda oo Laba walaala ah ku Toogtay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here