Home puntland Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo gudi...

Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo gudi kale ku dhawaaqay.

0
SHARE

Waxaa sii xoogeestay khilaafka ka dhax aloosan Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo kuxigeenkiisa C/xakiim Cabdullaahi Cumar Camay, waxaana khilaafka labada masuul uu noqday  mid lagu guul dareestay in la xaliyo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu ku magaacabay Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Goboleedka Puntland.

Magacaabista guddigan waxaa kahor yimid Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo sheegay in aan lagala tashan, waxa uu isna caawa magacaabay guddi cusub oo qaabilsan ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada  Goboleedka Puntland.

Halkan ka Akhriso Guddiga cusub uu caawa magacaaby Camey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here