Home Wararka Maanta Dowlada Denmark oo Sharci Adag oo ay ka Qayliyeen Dadka Dalkaas kasoo...

Dowlada Denmark oo Sharci Adag oo ay ka Qayliyeen Dadka Dalkaas kasoo Saartay Gubista Kitaabka Quraanka

0

Baarlamaanka dalka Denmark ayaa ansixiyay sharci mamnuucaya in si aan wanaagsanayn loola dhaqmo qoraalada diimaha. Sharcigaan ayaa loogu magac daray sharciga Quraanka kaas oo ay ansixiyeen 77 cod oo kamid ahaa 94 codeyneyay.

Qofkii jabiya sharcigaan ayaa mutaysan doono ciqaab ah laba sano oo xarig ah.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa marar kala duwan lagu gubay gudaha dalka Denmarka Quraanka, arrintaas oo ka careysiisay muslimiin badan ayna ka banaan baxeen.

Sidoo kale falalka gubista waxa ay sababeen in uu xumaado xiriirkii kala dhaxeeyay wadamo badan oo dadka ku nool ay u badan yihiin Muslimiin.

Inger Stojberg, waa hugaamiyaha xisbiga Dimuquraadiga ah ee Denmark, waxa uu ka hor yimid sharcigaan isaga oo yiri: “Taariikhda ayaa na kala saari doonta. Farqi wayn ayaa u dhaxeeyain la xadido xuriyadda fakar cabirista iyada oo dad waynaha la waydiinayo iyo in la xadido iyada oo cadaadis ka imaanayo gudaha,” ayuu u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Dhanka kale hugaamiyaha xisbiga midigta-dhexe Mette Frederiksen, ayaa sheegay in xoriyadda dhaliilista diimaha ay tahay mid sii socon doonta, sharcigaana uu yahay mid saameyn kooban ku yeelan doona xoriyadda cabirista fikirka.

Dawladda Denmark oo sharcigaan hor geysay baarlamaanka dalkeeda bishii Agoosto ayaa sheegtay in inay dooneysay in ay dunida u dirto farriin, iyada oo adeegsaneysa sharcigaan, maadaama ay sare u kaceen falalka gubista Quraanka ee ay sameeyeen dad badan kuwaas oo safaarado ajnabi ah ku hor gubay quraanka, iyo sidoo kale 170 dibad bax oo todobaadyo gudahood dhacay.

Falalka gubista Quraanka ayaa sidoo kale sanadkaan ka dhacay wadamo kale oo Yurub ku yaalla oo qaarkood ay daris yihiin Denmark.

Dalalkaas ayaa waxaa kamid ah dalka Sweden kaas oo sirdoonkiisu ay bixiyeen digniino lamid ah kuwa ay bixisay dawladda Denmark.

Sweden ayaa kamid ah dalal ay dhibaato ka soo gaartay falalka gubista Quraanka, iyada oo bishii July ay dibad baxayaal careysan gubeen safaaradoodii ku taalay dalka Ciraaq. Waxaa la sheegay in iyaguna ay diyaarinayaan sharci lamid ah kan ay soo saartay dawladda Denmar.

Ad
Previous articleRuushka oo Dhalinyaro Soomaaliyeed xoog ku Askareeyey kana Qayb galinaaya Dagaalka Ukrain
Next articleWafuud Culus oo Ku Qulqulaysa Magaalada Hobyo iyo Qoor Qoor oo Asna Gaaray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here