Home galmudug Dhageyso Shiikh Xasan Daahir Aweyn oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Dila Shiikh...

Dhageyso Shiikh Xasan Daahir Aweyn oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Dila Shiikh C/weli cilmi yare

0
SHARE

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku ah Xabsi guri, ayaa muuqaal uu iska soo duubay oo Baraha Bulshada lagu faafiyay wuxuu kaga hadlay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen 26-kii Bishii la soo dhaafay guri Magaalada Gaalkacyo uu ka daganaaa nin lagu magacaabi jiray C/wali Cilmi Yare iyo xer dhalinyaro u badan uu halkaasi ku haystay.

Xasan Daahir Aweys, ayaa sheegay in weerarkaasi dadkii fuliyay ay ka farxiyeen shacabka Somaliyed, wuxuuna ku taageeray Shabaab fulinta weerarkaasi oo uu sheegay bulshada Somaliyed inay soo dhaweeyeen.

Waxaa uu tilmaamay Shabaab inkastoo fulinta weerarkaasi ay kaga farxiyeen bulshada, haddana ay sameeyaan xilliyada qaar inay fuliyaan weeraro ay kaga oohiyaan shacabka Somaliyed.

“Qoladii sameysay waa ku ammaanan yihiin, waana dareemayaa Somalida dhan ayaan la wadaagayaa nin kasta oo Islaam ah oo garanaayay ninkaasi & fidnadiisa ay gaartay waa ay ku faraxsan yihiin, wixii ay bi’iyeen oo hadhow marna dadka ka farxiyaan marna ay ka oohinayaan ceebtaasi waa leeyihiin, laakiin acmaashooda ilaahey ayaa ku xisaabayaa.” Ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ku kala aragti duwanaaday markii uu dhacay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Xertii C/wali Cilmi Yare oo 18 qof oo wadaadkaasi, Xaaskiisa iyo carruur uu dhalay ay ku dhinteen weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here