Home wararka Dalka Deg Deg Guddiyada Joogtada ah ee Golaha shacabka Soomaaliya oo shir Deg...

Deg Deg Guddiyada Joogtada ah ee Golaha shacabka Soomaaliya oo shir Deg Deg ah la isugu yeeray.

0
SHARE
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.
 
Kulanka ayaa lagu waddaa in uu dhaco galabta, waxaana diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishaan, sida aan Xogta Ku helnay
 
 
Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, oo xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen.
 
Kulankaan deg deg ah ayaa kusoo beegmaya xilli Afartii Kulan ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu baaqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here