Home Wararka Somaliya Somaliland Dagaalo Culus oo laga Cabsi Qabo inay Saacadaha soo Socda ka Qaraxaan...

Dagaalo Culus oo laga Cabsi Qabo inay Saacadaha soo Socda ka Qaraxaan Ssc Khaatumo iyo Soomaaliland iyo Ciidamo Soo Buux Dhaafiyay…

0

Ilaa saddex deegaan oo dhaca xuduuda maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa caawa laga dareemayaa colaad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu qarxo.

Labada dhinac ayaa waxay ciidamo cusub keeneen goobaha qaar ee ay isku hor fadhiyeen markii horaba, sida ay Caasimada Online u sheegeen dadka ku nool deegaanada dhaca xuduuda labada maamul.

Deegaanka Buqdharkayn oo ay horay dagaalo culus ay uga dheceen ayaa ka mid ah meelaha lagu daabulay ciidamada cusub, deegaankaas ayaa 180 KM u jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo fadhi u ah maamulka SSC.

Waa deegaan muhiim ah oo dhaca inta u dhaxeysa Burco iyo Laascaanood, halkaas waxaa isku hor fadhiya ciidammo ka socda labada dhinac, waxaana suurtagal ah inay fooda is daraan waqti kasta.

Inkastoo deegaanada ciidamada Somaliland lasoo dhoobay ay wax badan ka fogyihiin caasimada SSC ee Laascaanood, hadana ciidanka Khaatumo ayaa fogaaday ina diyaar garoobay weerar uga yimaada dhanka Somaliland.

Goobaha caawa laga dareemayo saansaanta colaadeed ayaa horay u ahaa saldhigyadii ciidamada Somaliland, ka hor dagaalkii ay la galeen shacabka SSC, dagaalkaas oo burbur xooggan gaarsiiyey magaalada Laascaanood, balse markii dambe looga awood badiyey ciidamada Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta maamulka Khaatumo SSC, Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaanadooda, isla markaana aysan cidna dagaal kula jirin haatan, balse waxa uu qiray in ay jiraan dhaqdhqaaqyo ka socda meelaha xadka u ah labada dhinac.

Dhanka Somaliland ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay jiraan diyaar garow ay ku tagayaan deegaanada Khaatumo ee ay horay uga talin jireen, balse khubarada ciidanka waxay qabaan in roobka bilaabanaya ee xilliga Guga uu baaji karo colaad halkaas ka dhacda toddobaadyadaan.

Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidammo dhalinyaro ah oo muuqaallo ay iska duubayaan ku sheegaya in ay dagaal diyaar u yihiin, colaada u dhaxaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa ka bilaabatay Laascaanood, balse magaaladaasi waa caasimadda maamul aqoonsi ku meel gaar ah ka helay dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo dhabarjab ku noqotay Somaliland.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaabkii ugu Badnaa oo Soo Dhoobtay Duleedka Muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo Si wayn u Maamustay Wiilkaan Soo Hooyay Guusha Cajiibka ah(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here