Home Wararka Maanta Sawiro:- Gudiga Jaaliyada Galmudug oo kulan la yeeshay xubin ka mid ah...

Sawiro:- Gudiga Jaaliyada Galmudug oo kulan la yeeshay xubin ka mid ah Barlamaanka Finland

0

Gudoomiyaha Jaaliyada Galmudug ee Finland Mudane Abdifitah Mohamed Qaaje iyo xubno gudiga ka mid ah ayaa kulan la yeeshay Xildhibaan Suldan Said Ahmed oo ka mid ah Baarlamaanka Finland ahna Ergayga gaarka ah ee Nabadeynta Geeska africa Finland.

Kulanka ayaa sido kale waxa goob joog ahaa qaar ka mid ah Xubnaha u diiwan gashan Jaaliyada Galmudug ee Finland, is araga hore ee kulanka ayaa ahaa is barasho iyo bilow wada shaqeyn dhex marta Gudiga Jaaliyada iyo Xildhibaanka.

Gudiga Jaaliyada ayaa soo bandhigay waxqabadka mudada sanadkii tagay iyo qorshaha sanadka soo socda sido kale waxay gudiga jaaliyada la wadaageen Xildhibaan suldaan Ergayga Nabadeynta Geeska africa ee Finland siday uga wada shaqeyn lahayeen nabadeynta iyo dib uheshiisiinta Colaadaha ka jira Deegaanada Galmudug.

Xildhibaan Suldan Said Ahmed ayaa dhankiisa la wadaagay Gudiga Jaaliyada xilka cusub ee loo soo magacabay sido kale wuxu ka codsaday inay kala shaqeeyan arimaha nabadeynta Somalia gaar ahaan Galmudug, Xildhibaanka ayaa dhanka ka kale sheegay inu jaaliyada kala shaqeyn doono wixii hormarin bulshada ku aadan.

Kulanka ayaa kuso dhamaaday is afgarad iyo wada shaqeyn bilaw ah.

Dhamaad

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir
Next articleWilliam Ruto oo markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here